Xogo Xambaarsan Wada Hadalo Hoose Oo Socda

Politics

Xogo xambaarsan wada hoose ayaa la sheegay inuu ka socdo xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, kaasoo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Labada Gudoomiye ee Xeer dejinta labada Aqal ee Somalia…

Ilo wareedkaan ayaa la qeybsaday Diinah.com in kulamadaan looga tashanaayo arrimaha Doorshada iyo hanaanka loo maraayo, iydoo kadib culeysyo iyo balanqaadyo badan ee uu u sameeyay Mr.Farmaajo, Labada Gudoomiye la isku afgartay in muddo bil ah dib loo dhigo warbxinta Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.

Xogtaan ayaa tilmamtay in Warbixinta Mrs.Xaliimo Yareey in laga diyaariyay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa xambaarsan Qorshaha Mr.Farmaajo ee doorshada Somalia ay ka dhacdo doorsho xadidan oo lagu saleynaayo qaabka Qabaa’ilka ee 4,5, waxaana la sheegay in kadib culeysyo badan uu Wasiirka 1-aad ka gaabsaday qorshaha socda.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa horey u go’aamiyay mowqifkooda doorshada iyadoo sheegay iney taageersan yihiin nidaamka qof iyo cod, waxeyna ka digeen in dib u dhac uu ku yimaado iyo muddo kororsi, sidoo kale Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale meel adag iska taagay in dalka laga hirgeliyo doorsho.

37400cookie-checkXogo Xambaarsan Wada Hadalo Hoose Oo Socda