Shirka Teendhada Afisioni Oo Maalintii 2-aad Galay

Somalia news

Waxaa Maalintii labaad Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ku kulmaya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Mr.Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxweynayaasha shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Kulankaan shalay oo u badnaa muran iyo is-eedeyn…

Maanta ayaa Madaxda ay mar kale sii wadi doonaan wada-hadallada, iyagoo ka doodi doona Ajandayaasha ay kala wataan si loogu daro shirka soo socda iyo sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa khilaafka doorashada Ciidamada Gobolka Gedo.

Xubnaha Wakiilada Beesha Caalamka oo ka Shaqeeyay isku keenida Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ayaa dusha kala socda Shirkaan, iyagoo Madaxda dowladda & dowladda Goboleedyada ku cadaadinaya inay heshiis gaaraan.

Qabashada Doorashada ayaan weli laga gaarin heshiis rasmi ah, iyadoo ay ku gadaaman yihiin caqabado dhowr ah oo la donayo in laga gudbo si loo qab to doorasho la isku raacsan yahay, inkastoo aysan dhinacdayaan weli muujin tanaasul iyo u turida Shacbiga Soomaaliyeed oo dhibaatooyin dhowr ah isku biirsaday halgana ugu jira sidii ay uga gudbi lahaayeen.

107750cookie-checkShirka Teendhada Afisioni Oo Maalintii 2-aad Galay