Somalia oo Talaabo Muhiim ah u Qaaday Deyn Cafinta

Somalia news

Dowladda Federaalka ayaa lagu warramayaa iney buuxisay shuruudaha barnaamijka hal abuurka heerka xogta Sanduuqa Lacagta Aduunka (IMF), loona yaqaano marka la soo gaabiyo GDD, iyadoo Somalia ay ku biirtay markii ugu horeysay barnaamijkaan muhiimka…

Mas’uul ka tirsan Howlwadeenada Hey’adda Statistic-ka Qaranka, ayaa shaaciyay in Somalia ay ka soo baxday nidaamka Faafinta ee xogta guud ee ku aadan Sanduuqa Hey’adda IMF-ta, wuxuuna intaasi raaciyay in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu soo daabici doono Bogga Hey’adda.

Mas’uulkaan ayaa sheegay in xogta aysan ku ekaan doonin arrimaha Dhaqaalaha balse ay ku jiri doonaan xogo kale oo muhiim ah sida tirakoobka Dadweynaha iyo Arrimaha Bulshada, ”Barnaamijkaan waa muhiim waxaan muddo dheer ka maqneyn Saaxada Barnaamijka Aduunka” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii waxaa la xusay in Barnaamijkaan uu sidoo kale muhiimad gaar ah siin doono ”Deyn Cafinta” Dalka Somalia oo haatan mareysa heer aad u wanaagsan oo gabogabo ah, Somalia sanadihii ugu dambeeyay ayeey waxey xoogaa horumar ah ka gaartay Nidaamka Deyn cafinta, talaabadaasi oo horseeday iney Hey’addu aaminaan Somalia.

196260cookie-checkSomalia oo Talaabo Muhiim ah u Qaaday Deyn Cafinta