Shirkadda Google Oo Fulineysa Balaanqaadyo ay Macaamiisheeda Ka Balanqaaday & Sababta..

World

Shirkada Google Corporation ayaa ku dhawaaqday iney tir tiri doonto dhamaan Xogaha iyo Dhaqdhaqaaqyada Macaamiisheeda goobaha ay booqdaan, dhawaaqaan ayaa imaanaaya Balanqaad sanad ka hor ay ku dhawaaqeen iney dhimi doonaan xogta gaarka ee Macaamiisha ee ay keydiso si loo muujiyo daah furnaan adeegyada macaamiisha…

Astaanta Shirkada ee “Timeline” oo horey loogu yiqiinay Location History ayaa sii shaqeyn doonta si Macaamiishu u doortaan iney isticmaalaan, iyadoo xulasho u leh iney dib u raacaan dhaqdhaqaaqa Safarakooda muddo sanad ah si ay u hubiyaan halka ay joogaan muddi gaaban, iyadoo Shirakadu u dirtay Emailo Macaamiisheeda isticmaala Maps ay fursad heystaan ilaa 1-da Decembar ee Sanadkaan.

Shirkada ayaa sheegtay in dhamaan Xogaha laga marmaanka ah ee loo baahan yahay si ay Astaan u shaqeyso, waxaa lagu keydin doonaa gudaha Mobile-da, Tablets, Laptops & Computer-da, Macluumaadkaan ayaan lagu keydin doonin Server-yada Google, Waxeyna sheegeen in Macaamiisha ay awood u yeelan doonaan iney keydsadaan xogtooda inkastoo wel wel badan laga muujiyay iney Hey’adaha Amaanka, kuwa Sirdoonada iyo Shirkadaha Ganacsiga adeegsadaan ama ku rakibaan qalabyo fasax la’aan.

330380cookie-checkShirkadda Google Oo Fulineysa Balaanqaadyo ay Macaamiisheeda Ka Balanqaaday & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com