Markab Shidaal oo laga leeyahay Dalka UK oo ku Gubanaya Gacanka Cadmeed..

World

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii Gacanka Cadmeed ku weeraray markab nooca shidaalka qaada ah, oo laga leeyahay dalka Ingiriiska, Hey’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain ayaa sheegtay in gantaalo lagu weeraray markabka Marlin Luanda, isla-markaana uu ku gubanayo meel ka baxsan Magaalada Cadan…

UKMTO ayaa sheegtay in weerarka uu ka dhacay meel qiyaastii 60NM (Nautical miles) kaga beegan Magaalada Cadan, Hey’adda ayaa sheegtay in dhacdadan lagu wargeliyay maraakiibta dagaalka ee isbahaysiga Mareykanka ee ku sugan gobolka, isla-markaana ay wadaan dadaalo ay ugu gurmanayaan markabka, Markabkaan ayaa siday Xamuul ah Gaaska Diyaaradaha (Naptha jet fuel).

Kooxda Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, iyagoona cadeeyay in Ciidamada Badda Yemen ay fuliyeen hawlgalka lagu bartilmaameedsaday markabkaasi, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in tiro gantaalo ahi lagu weeraray markabkaasi, xilli uu marayay Gacanka Cadmeed.

304140cookie-checkMarkab Shidaal oo laga leeyahay Dalka UK oo ku Gubanaya Gacanka Cadmeed..