Shirkii Madasha Aragti Wadaag Heritage Ee Garoowe Oo Hakad ku Galay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa hakad ku yimid shir looga arrinsanayey xaaladda Somalia ayna ka soo qaybgaleen madax ka socota Dowlada Federaalka, dowlad Maamulada Gobolada qaarkood, Musharixiin, Siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah….

Mas’uuliyiinta Machadka Heritage ee soo diyaariyay shirkaan ayaa sheegay inuu maanta fasax yahay kadib wadatashi ay la sameeyeen Maamulka Puntland, maadaama ay tahay 1-da January iyo maalin Jumce ah dadkuna inta badan ku maqan yihiin goobaha cibaadada.

Waxaa Caawa ayaa la filayaa in dhammaan ergooyinka ka qaybgelaya shirka ay tegi doonaan Xarunta Madaxtooyada Puntland halkaasi oo xaflad isugu jirta casha sharaf iyo sagootin uu ugu samaynayo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Maalinimada Sabtida ah ayaa la soo gabagabayn doonaa shirkaan oo si aad ah loogaga hadlay doorashooyinka Somalia iyo caqabadaha hortaagan xilligaan iyo sidii looga gudbi lahaa inkastoo doodaha ay u badnaayeen cabasho iyo eedaymo laysu jeedinayey.

83560cookie-checkShirkii Madasha Aragti Wadaag Heritage Ee Garoowe Oo Hakad ku Galay