Amaanka Xuduudaha Kenya Oo Aad Loo Adkeeyay

Somalia news

Saraakiisha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in aad loo adkeeyay amaanka magaalooyinka waaweyn kadib markii ay heleen xog ku saabsan in Maleeshiyaad hubeysan oo daacad u ah Kooxda Shababka iyo Maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan ay qorsheynayaan iney weeraro argagixiso ka sameeyaan gudaha Kenya inta lagu jiro maalmaha ciidaha…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Warbaahinta gudaha ah ee dalka Kenya ay baahiyeen in ciidamo fara badan oo Boliis ah iyo Qaadka ah la dhigay qaar ka mid ah wadooyinka magaalooyinka, heegan ayaa la galiyay si ay amaanka u sugaan, waxeyna arintani imaaneysaa xilli maanta ay tahay maalintii ugu horreysay sanadka cusub.

Magaalooyinka aad loo adeekeeyay amaanka waxaa ka mid ah Nairobi, Mombasa, Lamu, Gaarisa,Wajeer, iyo Mandheera, iyadoo laga dareemay dhaq-dhaqaaq ciidan, kuwaasoo ka feejigan weeraro lagu soo qaado, waxaana lasii daayay fariimo bulshada lagu farayo iney ka feejignaadaan halista maadaama ay heleen xogo la xiriira magaalooyinka lagu wajahan yahay.

83590cookie-checkAmaanka Xuduudaha Kenya Oo Aad Loo Adkeeyay