Shucuubta Qaarada Africa oo Faro ba’an ku haya Qaxa iyo Barakaca Dowladahoodana Ka Gaabiyeen..

Africa News

Warbixino laga diyaariyay Masiibada Dagaalada Sokeeye ee horseeda Qaxa iyo Barakaca ee Shucuubta Qaarada Africa oo iska hor imaadyada hubeysani ay isku bedelaan turunturooyin caqabado ku noqda Horumarka waara, Xasilinta Amaanka isbaarana u noqota is dhex galka Bulshada…

Warbixinta ay soo saartay Hey’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHRC) ayaa lagu xusay Isbeddelada Caalamiga ah, Barakaca qasabka ah ee 2023 ayaa muujinaya in guud ahaan Dunidu ay sheegtay in 117.3 milyan oo Qof ay barakaceen, Tiradu waxay gaari kartaa 124 milyan “taasoo ka dhalatay cadaadis, iska-horimaad, rabshado, xadgudubyo xuquuqul insaanka ama dhacdooyinka si xun u carqaladeynaya nidaamka guud.”

Waxayna Qaarada Afrika hormuud ka noqtay iney ku sifoowdo barakacii ugu badnaa sanadkii la soo dhaafay, inkastoo ay hadda ka yar yihiin iskahorimaadyada marka loo eego 20 sano ka hor, Taasi waxay culays siinaysaa samafalayaasha bini’aadantinimada laakiin waa hawl adag oo isbaaro u ah horumarinta Nabada, iyadoo Dowladaha Africa ay ka gaabiyeen iney wax ka qabtaan musiibadaan.

Sannadkii 2023, kadib markii uu dagaal sokeeye uu ka qarxay Dalka Sudan, tirada qaxootiga Dalkaasi ayaa kor u dhaaftay 79 boqolkiiba ilaa 1.5 milyan, taasoo ah tiradii ugu badnayd ee Afrika, Waxay u qaxeen dalalka jaarka ah ee Chad, South Sudan, Ethiopia iyo Masar, Dhibaatooyinka kale ee laga dhaxlo dagaalada Sokeeye ayaa waxaa ka mid ah dillaaca cudurrada faafa, kororka Afduubyada ee Haweenka khatarta ka cararaya, Weerarrada jireed iyo xadgudubyada galmada.

Barakac badan ayaa laga diiwasn geliyay Dalka Congo (6,7-Millions) Somalia (3,8-Millions), inkastoo Dalka Sudan ay ka guryahooda ka barakaceen ilaa 6-Millions oo Qof, markii uu bilowday dagaalkii sanadkii hore bishii Abriil ee u dhexeeya Ciidammada Walabka sida ee Sudan iyo Xoogaga taageerada degdegga ah (RSF).

332040cookie-checkShucuubta Qaarada Africa oo Faro ba’an ku haya Qaxa iyo Barakaca Dowladahoodana Ka Gaabiyeen..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *