Shuruudo Lagu Xiray Shirkii Xalinta Khilaafka Doorashada

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay argagax ka qaateen weerarkii lagu qaaday Hoteelka Maa’ida iyo Rasaastii loo adeegsaday Banaanbaxayaashii isugu soo baxay qeybo ka mid ah Magaalada Mogadishu…

Wararka ayaa sheegay in Mas’uuliyiintaan ay khadka Isgaarsiinta kula wada hadlay waxeyna isla meel dhigeen in xiligaan Shuruudo cusub oo damaanad qaad ah xagga Amaanka lagu xiro ka qeybgalka kulanka Muqdisho ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu ku baaqay.

Waxaana kamid ah.

-In ay doonayaan in kulanka lagu qabto Xerada Xalane oo xarun dhexdgexaad ah
-In aysan Kalsooni ku qabin tagida Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia). Cabsi ammaankooda ah, waxayna katimi dhanka Axmed Madoobe.
-In damaanad-qaade 3aad la helo, gaar ahaana saxiixa lagu daro Wakiilada caalamiga ah.

96300cookie-checkShuruudo Lagu Xiray Shirkii Xalinta Khilaafka Doorashada