Kulanka Dhuusa mareeb Oo 2-Qodob La Isku Raacay

Somalia news

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ee shirka uga furmay maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa isku waafaqsan labad qodob oo quseeya Doorashooyinka Soomaalida, halka Qodob kale ay Puntland la gaar tahay….

Khudbooyinkii ay Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ka jeediyeen furitaanka shirka wadatashiga ee Dhuusamareeb ayuu mid waliba ku caddeeyay Qodobka koowaad oo ah inuusan raali ka ahayn dib u dhac ku yimaada Doorashada dalka iyo muddo kordhin loo sameeyo dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Qodobka labaad ayaa isna ah inaysan doonayaan wada-tashi laga galo qaabka ay noqoneyso Doorashada la qabanayo ee lagu bedelayo QOF IYO COD-ka aysan suuragal ahayn in xilliga ka harsan muddo-xilkeedka dowladda la qabto.

Madaxweynaha Puntland ayaa aamisan in meesha laga saaro Guddiga Doorashooyinka Qaran ee ay hoggaamiso Xaliimo Yarey, lana dhiso cusub oo heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ah, kuwaasoo qabanqaabiya Doorashada soo socota.

Afarta Madaxweyne ee Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaan weli go’aan ka gaarin arrinta Guddiga Doorashooyinka ee Xaliimo Yarey, waxaana Madaxweynaha Puntland u dhow madaxweynayaasha Jubbaland iyo K/Galbeed oo taageersan inaan Doorasho lagu aamini karin Guddigaasi.

Shirka ayaa hadda u gudbay wada-tashiyo kala gaara iyo kulamo guud oo looga doodayo Arrinta Doorashada Dalka, waxaana lagu wadaa inuu socdo dhowr maalmood.

47460cookie-checkKulanka Dhuusa mareeb Oo 2-Qodob La Isku Raacay