Ma Dhabaa in Farmaajo Uu Xaalad Amaan darteed uu ka Baaqsaday inuu dib ugu soo Laabto Mogadishu

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegaya in safar u qorsheysnaa Madaxweynihii hore ee Somalia (Farmaajo), inuu dib ugu soo laabto magaalada Mogadishu uu dib u dhac ku yimid kadib markii Saraakiishisii hore ee Amaanka kula taliyeen inuu ka fiirsado xiligaan inuu Magaalada Soo gaaro…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Farmaajo uu 3-dii bishaan u qorsheysneyd inuu dib ugu soo laabto magaalada Mogadishu, balse culeysyo ay ku saareen Saraakiishiisii hore ee Amaanka (Fahad, Xijaar & Biixi), inuu dib u dhigo bacdamaa xiligaan Amaanka Magaalada laga deyrinaayo iyo Hanjabaadaha Kooxda Argagixisada Shababka iney Weerari doonaan Xeyndaabka Hoygiisa.

Diyaarada oo maalmo ka hor la sii kireeyay (Special Flight), ayaa la tilmaamay in la joojiyay, iyadoo ujeedka uu Mogadishu u imaanayo ay qeyb ka tahay Farmaajo kulamo gaar ah iyo Xubno uu la ballansanaa shirar ay lahaayeen, lamana yaqaano xiliga uu dib u soo laaban doono Farmaajo.

223610cookie-checkMa Dhabaa in Farmaajo Uu Xaalad Amaan darteed uu ka Baaqsaday inuu dib ugu soo Laabto Mogadishu