Sicir-Barar Saameeyay Bulshada Magaalada Kismaayo

Business Somalia news

Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa ka jira sicir-barar saameeyay bulshada kunool Magaaladas, maciishada ayaa sare u kacday, Loorka sokorta oo maalmo lagu kala iibsanayay $22(Labaatan & labo dollar) ayaa gaaray $32 (Soddon & labo dollar)…

Sare u kacaan Maciishada daruuriga ah sida Burka, Bariiska, Saliida iyo Sokorta ayaa lagu fasiray mid laga dhaxlay dhaqaale xumida Aduunida ka jirta iyo saameynta Cudurka safmareenka ah Ee Coronavirus, iyadoo sidoo kale la sheegay in Maamulka Jubbaland lagu Eedeeyay iney kordhiyeen Canshuuraha.

Luul Jaamac Daa’uud, waxa ay sheegtay in “Suuqa Markii aan tagay waxa aan waayay wax aan soo iibsado, labo shey ayaa la idhahay $100 (Boqol dollar), Dowladdu waxa ay dhahday canshuurta waan raqiisinay, Burka, Sokorta, Bariiska, Saliidda, Baastada, Caleenta & quutul-duruuriga kale waa qaali, waa in wax laga qabtaa arrintaan” .

Ganacsatadu waxa ay DG Jubbaland ku eedeeyeen in uu kordhiyay canshuurta, sidaas awgeed iyanna ay sare u qaadeen qiimaha Maciishadda ugu isticmaalka badan, Dekedda Magaalada Kismaayo waxaa ku xiran Maraakiib & Doomo badeecado ganacsi ku raran.

137270cookie-checkSicir-Barar Saameeyay Bulshada Magaalada Kismaayo