Xiisado Ciidan Oo Ka Taagan Gobolada Sanaag Iyo Sool

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo naga soo gaaray Degaanada hoose yimaada Gobolada Sanaag iyo Sool ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Somaliland ka jooga degaanadaasi ay Gadood sameeyeen kadib markii ay soo food saartay dhaqaale la’aan baahsan…

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadaan oo ku sugan degaanka Tukaraq ayaa sheegaya in xiisad ka dhex bilaabatay laba ciidan oo ka wada tirsan Somaliland, kuwaasoo ku sugan jiidaasi, kadib markii ay ka gadoodeen xuquuq la’aan iyo hab-dhaqanka Taliyaasha Ciidamada maamulkaas.

Ciidamadaan gadooday oo ka soo jeeda degaanka ayaa laga cabsi qabaa in ay weerar ku qaadaan Ciidamada kale oo ka soo jeeda dhinaca Burco iyo Hargeysa, waxaana labada dhinacba samaynayaan dhadhaqaaq ciidan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Reer Sool ah.

Dhanka kale, Ciidamo kale oo sugan Degaanada hoos yimaada Gobolka Sanaag ayaa sheegay iney iyaguna gadoodeen kadib markii xuquuqdoodii nololeed ka waayeen Taliyayaashooda, talaabadaan oo horseeday iney gadoodaan, waxaana la sheegay in weli xiisadahaan ay taagan yihiin.

98630cookie-checkXiisado Ciidan Oo Ka Taagan Gobolada Sanaag Iyo Sool