Ma Dhabaa in Mooto Bajaajle loo heystay dilkii Taliyayaasha G. Gedo oo la khaarajiyay..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah oo laga helay ilo wareedyo ku sugan Gobalka Gedo ayaa sheegay in dhowr habeen ka hor qabtay Eedeysane ku shaqeynayay Mooto Bajaaj iyo 2 nin oo kale, kuwaasoo loo qabtay tuhunka ah iney wax ka ogaayeen Qaraxii Sariirtiisa loogu xiray Taliyihii Ururka 28-aad ee Ciidamada Xoogga dalka, kaasoo fariisinkiisu ahaa magaalada Baladxaawo…

Wararka ayaa sheegay in Eedeysanaha la qabtay durbadiiba la dilay su deg deg ahna loo aasay, talabadaan ayaa dhalisay tuhun, laakiin dadka degaanka ayaa dib usoo saaray Meydka waxaana oogadiisa ka muuqday jirdil xoog leh, inkastoo Dadka degaanka ay eedo u jeediyeen Hogaanka Hey’adaha Amaanka Magaalada.

Tan iyo intii Maamulka hore ee Farmaajo ka degay Xukunka Dalka waxaa Gobolka Gedo ka socday Dagaal mindhicireed u dhaxeeya garabyo iska soo horjeeda ee Beesha Mareexaan kuwaasoo loolankoodu uu salka ku hayo gacan ku geynta Maamulka Gobolka iyo degmooyinka hoos yimaada waxeyna galaafteen nolosha Taliyayaashi Bakaal iyo Ma’ed Aweys.

Hey’adaha Amaanka iyo Dowladda Federaalka ayaa la sheegay iney iska indha tirayaan tacadiyada iyo dilalka joogtada ah ee u dhaxeeya Garabyada jufooyinka Beesha Mareexaan ee Gobolka Gedo, iyadoo la qiray in xaalku uu haatan gaaray in Sariiraha la isugu xiri Miino kadibna Kooxda Shababka loo saariyo ama Dowlada Federaalka.

243880cookie-checkMa Dhabaa in Mooto Bajaajle loo heystay dilkii Taliyayaasha G. Gedo oo la khaarajiyay..