Share the post "Siyaasada Fashilka Hogaanka Villa Somalia & Isbedelada Macnaha Ku Dhisneyn.."
Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia ayaan weli ka rajo dhigin inuu sii wado qorshaha guracan ee Isku beddelka joogtada ah ee Hogaanka Wasaaradda Gaashaandhigga oo 3-Wasiir kala duwan soo martay 2/bilood gudahood, talaabadaan oo muujineysa Fashilka siyaasadeed ee Gudaha Dalka iyo kan Dibedda ka heysta, iyadoo Xasan Sheekh lagu cadaadinayo inuu dib u habeeyo Nidaamka Difaaca Dalka Shaqsi jecleysigana joojiyo…
Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka la magacaabay iyo kii ka horeeyay wel wel laga muujiyay khibrad yarida iyo Aqoonta ay Ciidamada u leeyihiin, Halka Wasiirkii hore lagu eedeeyay maamul xumo, lunsasho hanti dadweyne iyo Basaas 2-Kaarle ah, ku dhiiraday inuu burburiyo Nidaamka Ciidamada Xooga Dalka, Isbedelaadan ayaa waxey ku soo beegmayaan iyadoo guuldarrooyin milatari laga soo sheegayay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa wajahaya cadaadis la xiriira in xilka laga qaado.
Halka Hogaanka NISA su’aal la gelinaayo inuu sii heysto Xilka Agaasimaha hay’adda sirdoonka Qaranka (NISA), kadib markii howlo kale uu ku mashquulay, Mr.Xasan ayaa la sheegayaa inuu ka fiirsanayo in xilkaas uu u celiyo Agaasimihii hore ama mid cusub, Iyadoo Duqa Magaalada la xaqiijiyay iney dul saaran tahay Seeftii sawirta aheyd kadib markii uu la kufay xil uusan xamili karin, Dhibaatada Hogaanka Villa Somalia heysata ayaa ah inuu isku koobay talada Dalka oo la tashi inuu geliyo uu diiday.
Xuuraano ayaa xoojinaaya in Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mr.Abshir Bukhaari lagu wado in Xilka laga qaado, waxaana booskiisa lagu wadaa iney buyxiso Mrs.Hinda Culusow Madaxa Habmaamuuska Madaxtooyada, Isbeddelladani waxay ku soo beegmayaan iyadoo guuldarrooyin milatari laga soo sheegayay furimaha dagaalka ee Gobolka Shabeelada Dhexe.