Ciidamada ATMIS Oo lagu Eedeeyay iney Dileen Dad Rayid ah oo isku Qoys ah..

Somalia news

Wararka naga soo gaarays magaalada Baraawe ee Gobolka Shabelada hoose ayaa sheegaya in ciidamada ATMIS (Qeybta Uganda) ay duqeyn Hoobiyayaal ku garaaceen degaanka Mudul Baraawe oo ku taal duleedka Degmada Baraawe…

Wararka syaa sheegay in Hogaanka Ciidamadaasi uu khalkhal ku yimid kadib markii lagu soo wargeliyay in Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Shabaabka isku abaabulayaan Mudul Baraawe, waxeyna Ciidamada oo cabsi lasoo daristay bilaabeen in duqeyn ku garaacaan deegaankaasi.

Hoobiyayaal ayeey u adeegsadeen duqeynta Degaanka Mudul Baraawe, waxaana la sheegay iney ku geeriyoodeen ilaa lix Qof oo isku qoys ahaa, halka ay dhaawacyo culus kasoo gaareen labo qof oo kale, Dadka Geeriyooday waxaa ku jira carruur, Boliiska Degaanka ayaa xaqiijiyay Falkaan.

258330cookie-checkCiidamada ATMIS Oo lagu Eedeeyay iney Dileen Dad Rayid ah oo isku Qoys ah..