Golaha Ammaanka oo si adag u Cambaareeyay Qaraxyada Beledweyne iyo weerarkii Garoonka Diyaaradaha

Somalia news

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagixiso ee ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo magaalada Beledweyne, 23-kii March 2022, kuwaasoo ay mas’uuliyadooda sheegatay kooxda Shababka, laguna dilay 48-Qof, ayna ku dhaawacmeen 150-Qof.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaas, iyaga oo u rajeeyeen kuwa dhaawaca ah in ay si degdeg ah u bogsadaan.

“Xubnaha Golaha Amaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha, iyo maalgeliyayaasha falalkaas argagixisada ah, lana horkeeno caddaaladda” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Amaanka.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku boorriyeen dhammaan Dowlad-goboleedyada, ‘si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya’ inay si firfircoon ay ula shaqeeyaan dowladda federaalka ah ee Somalia iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso arrintan.

“Xubnaha golaha amaanka ayaa ku celnaya in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaallo kasta oo ay leedahay ay khatar weyn ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay xaqiijinayaan in dhammaan falalka argagixisanimada ah ay yihiin dambiyo, isla markaana aan qiil loo heli karin, iyada oo aan loo eegin waxa ku kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo geysata” ayuu sii raaciyay war-murtiyeedka Golaha Amaanka l ee Qaramada Midoobay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay inay ka walaacsa yihiin khatarta Al-shabaab ee Nabadda iyo Ammaanka Somalia iyo Gobolka. waaxayna ku boorriyeen hoggaamiyeyaasha Siyaasada inay ka wada shaqeeyaan arrimaha qaranka ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan gunaanadka hannaanka doorashada ee socdta, la dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ba’an ee ka dhacaya Somalia.

177540cookie-checkGolaha Ammaanka oo si adag u Cambaareeyay Qaraxyada Beledweyne iyo weerarkii Garoonka Diyaaradaha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com