Somali Lagu Eedeeyay inuu Mindi Ku Weeraray Muwaadin u Dhashay Germany..

Somalia news World

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Soo Galooti ka soo Jeeda Dalka (Immigrant) Somalia ayaa suuq ku yaal magaalada Waltershausen mindi ku dhaawacay Muwaadin Dalka Germany. iyadoo ay Goobta soo gaareen Boliiska Magaalada isla markaasna xiray Eedeysanaha…

Wararka ayaa sheegaya in Eedeysanaha oo Da’diisu lagu sheegay 27-sano jir kana soo jeeda Dalka Somalia ayaa ku weeraray Mindi kana dhaawacay Qoorta banaanka Supermarket lagu iibiyo bagaashka Qiimaha la jebiyay, Kadib wuxuu bilaabay inuu u hanjabo si aan kala sooc lahayn macaamiil kala duwan.

Markii Muwaadinka 46 jir ah ee uu dhaawacay ka codsaday ninka Soomaaliga ah inuu joojiyo, Ninka Soomaaliga ah ayaa la sheegay inuu ugu hanjabay inuu dili doono, Dhibanaha ayaa markaas u sheegay Soomaaliga inuu is dejiyo, wuxuuna ku weeraray Mindida qoorta kaga dhuftay, sida uu qoray wargeyska.

https://www.welt.de/politik/deutschland/article253248958/Thueringen-Polizei-ueberwaeltigt-vorbestraften-Somalier-mit-Messer-Ich-toete-euch-und-eure-Familien.html

Wararka ayaa sheegaya in Dhibanaha ay u suurtagashay inuu ka badbaado dhaawac fudud, inkastoo uu dhaawac ka soo gaaray qoorta, waxaana la sheegay in Eedeysanaha uu ku xiran yahay Xabsiga Boliiska dhawaana la hor geyn doono Maxkamada.

341690cookie-checkSomali Lagu Eedeeyay inuu Mindi Ku Weeraray Muwaadin u Dhashay Germany..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *