Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Caasimadda

Somalia news

Wararka ku soo dhacaaya Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegaya in dhawaqa rasaasta and is qabsatay guud ahaan Magaalada Mogadishu, kadib markii Muddo xileedkii Madaxweynihii hore Mr.Farmaajo uu ka dhamaaday saqdii dhexe Ee Caawa iyadoo aan laga heshiinin Marxalada Kala guurka….

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta Laga celiyay Xarunta Wasaarada caawa, iyadoo la sheegay in Ciidamada Amisom ay la wareegeen gacan ku heynta Xarunta Wasaarada, Madaxtooyada, Villa Hargeysa iyo Garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu.

Sidoo kale waxaa soo ifbaxaaya warar sheegaya in Saaxiibada Somalia ay wadaan dadaalo ku Aadan isku keenida Madaxda Soomaalida, iyagoo sidoo kale culeys ku saaray Mr.Farmaajo inuu is casilo.

Qoraal ay diyaarsheen Midowga Musharixiinta ayaa la sheegay in la hekiysy kadib markii ay dalbadeen Wakiilada Beesha Caalamka kuwaasoo lagu wado in bayaan ka soo saaraan Xaalada Dalka, Qoraalka Midowga Musharixiinta ayaa laga codsaday Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu hormuud u noqdo hogaaminta iyo geedi socodka Doorasho xor iyo xalaal iney Dalka muddo gaaban gudahood ka dhacdo Dalka.

93100cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Caasimadda