Somalia Iyo Kiisaska Cusub Ee Cudurka Coronavirus

Health

Warbixino hordhaca ah oo laga helay Goobta loogu tala galay in lagu karatiilo Bukaanada uu soo rito Cudurka Saf-mareenka ah ee Covid-19, ayaa la sheegay ineysan gaarsiisaneyn heerkii la rabay, waxaana ka muuqda dayac iyo maamul xumo…

Walwalka ugu weyn ee laga muujinayo goobaha dowladda ugu tala gashay in lagu karantiilo dadka qaba Coronavirus ayaa ah Oksiijiin la’aan iyo in Bukaannada la seexinayo Teendho ama Qolal aan wax qalab caafimaad oolin, isla markaana loola macaamilayo sidii inuu soo ritay oo kale shuban biyood.

Sida uu Sheegay Mr.Farmaajo oo fariin u diray Shacbiga “Xaqiiqatan waxaan isugu soo harnay sida dhabta ahna ay tahay inaan ilaahey u noqono oo barino inuu naga dul qaado Cudurkaan, maxaa yeelay awood bulsho, Dowladeed, Caafimaad iyo mid Dhaqaale waxaan qaadi karno ma ahan iyo waxaan u diyaar garowonay ma ahan” ayuu yiri.

Waxaa jira Kiisas cusub oo laga soo sheegaayo Inuu ku dhacay Madaxweynaha H/Shabelle iyo Tiro Xildhibaano iyo Wasiiro kuwaasoo la karantiilay, Sidoo kale Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa isu karantiilay hoyga uu ka degan yahay Madaxtooyada Magaalada Baydhab.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa isna isu karantiilay Xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, oo dacalka ku haysa Madaxtooyada, ka dib markii uu isu arkay xumad/qandho iyo qufac badan, Sidoo kale tiro Dhakhaatiir ah la diiwaan geliyay, iyadoo tirada guud lagu sheegay 21- bukaan oo ay ku jiraan 2-ajaaniib ah oo ka tirsan Xafiiska U.N.-ka ee Somalia.

27590cookie-checkSomalia Iyo Kiisaska Cusub Ee Cudurka Coronavirus