Howlwadeenada Caafimaadka oo ka Digay Khatarta Maandooriyayaasha ee Dhalinyarada..

Health Somalia news

Warbixino laga helay Saraakiisha Caafimaadka ayaa lagu xusay in Bilihii ugu dambeeyay ay aad u kordheen Isticmaalka Daroogada ee Dhalinyarada ku nool Caasimada iyo nawaaxigeeda, iyadoo goobaha Caafimaadka ay kusoo badanayaan Dhalinyarada Dawooyinka qaarkood u isticmaala maandooriye ahaanta, taasoo waxyeello caafimaad ay ka dhaxli karaan….

Dallada Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa qeylo dhaan ka soo saartay Isticmaalka Dawooyinka mandooriye ahaanta ee Dhalinyarada oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, kuwaasoo si jooto ah u isticmaala Dawooyinkaan, iyadoo tusaale ahaan loo soo qaatay Cirbada Daramadol-ka oo ah Daawo xanuun baa’biye ah kana mid ah noocyada Opios kuwaasoo haddi joogto loo qaato ay khatar caafimaad ka dhalan karto.

Dhalhaatiirta ayaa xusay in Dhalinyaradaan Mandooriyahaan oo koox u isticmaalaan hal Cirbad ay ka dhalan karto iney si fudud isku qaad siiyaan Cuddurada Faafa si HIV iyo Cagaarshowga, ku darsoo Dhalinyaradaan ayaa sidoo kale isyicmaala Kaniiniga hurdada ee Diazepam oo daawooyin kale lagu qasay sida Efadriinka.

Khubarada arrimaha Caafiimaadka ayaa welwel ka muujiyay in Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka iyo Boliiska ay ka gaabiyeen iney la tacaalaan Dhibaatada Mandooriyayaasha ee isticmaala Dhalinyarada ku nool Caasimada kuwaasoo maalin maalinta ka dambeysa ay tiradoodu sii kordheyso.

262100cookie-checkHowlwadeenada Caafimaadka oo ka Digay Khatarta Maandooriyayaasha ee Dhalinyarada..