Somalia Miyeey Isku Bedeli Doontaa Furimo Dagaal ee Egypt & Ethiopia, Maxaase Xal u ah…

Africa News Security Somalia news

Dalka Somalia ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxey wajahaayeen khataro Amni oo kaga Imaanaya Dowlada Ethiopia iyo Kooxaha Argagixisada, kuwaasoo dhaqdhaqaaqyadooda ay kordhiyeen Bilihii ugu dambeeyay, Iyadoo Ciidamada Dowlada aysan xiligaan awoodin iney u babac dhigaan khataraha danaha isku keenay…

Somalia Waxeyna ku qasabtay iney oggolaadaan Ciidamo ku howlgala Magaca AU-da iney taageeraan xasiloonida Dalka muddo 18-sano inkastoo aysan sidii qorshuhu ahaa u fulin, waxeyna dhibaato weyn ka dhalatay in Ciidamada Kenya iyo Ethiopia ee ku howlgala Magaca ATMIS ay fara gelin joogto ah ku hayaan Siyaasada arrimaha Gudaha ee Dalka lana saftaan Maamulada Gobolada qaarkood si ay danahooda u fushadaan.

Dowlada Somalia ayaa dhawaan u gudbisay Golaha Nabada iyo Amaanka ee AU-da qoraal salka ku haya Saameynta Howlgalka cusub ee AUSSOM, si looga wareejiyo midka hadda gabaabsiga ah (ATMIS), qorshahaan ayaa lagu fasiray in Somalia ay ka go’an tahay iney meesha ka saarto saameynta iyo Fara gelinta Ciidamada Ethiopia kuwaasoo ku fashilmay howlihii loo igmaday isla markaasna loo gogol xaaro Ciidamo cusub oo Egypt iyo Djibouti kaalintooda buuxiyaan.

Qoraal hanjabaad xambaarsan oo ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Ethiopia ayeey ku xustay ineysan daawade ka noqon doonin Qorshayaasha socda & Dabka laga hurinaayo Geeska Africa, waxeyna ganafka ku dhufutay ka qeyb galka Ciidamada Egypt ee Howlgalka cusub ee bilaabanaya Sanadka cusub (2025-ka), Somalia ayaa shuruud ku xirtay in ka qeyb galka Howlgalka cusub ee Ethiopia iney ka laabato heshiiskii ay la gaartay Maamulka Waqooyiga Somalia, xaalku wuxuu u muuqdaa “Faanoole Fari Kama Qodna”.

341420cookie-checkSomalia Miyeey Isku Bedeli Doontaa Furimo Dagaal ee Egypt & Ethiopia, Maxaase Xal u ah…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *