Garta Iyo Gardarrada Ee Xiisada Kenya-Somalia

Somalia news

Dad badan oo Soomaali ah ayaa is-weydiinaaya Sababta Garta loo siiyay Kenya halka Gardarrada Loo saariyay Maamulka Farmaajo ee Xiligaan Hogaanka u haya Siyaasada Fadhiidka iyo Fashilka ah ee 4-sano ee Ugu dambeysay, iyadoo Guuldarooyinkaasi ay isugu wada kulmiyeen amaanka Gudaha, Burburinta Nidaamka Federaalka iyo ka gaabinta Dagaalada Kooxaha argagixisada, Doorashada iyo Siyaasada Dibeda…

Hogaanka Villa Somalia ayaa dhowr jeer oo hore talooyin loogu soo jeediyay in Jiiheynta Siyaasada Dalka uusan ku socon wadadii saxda aheyd, ayaan darrase Mr.Farmaajo wuu iska indhatiray, markii uu meel la iska dhigay Dacwada Badda ayuu hadana si hoose ula heshiiyay Mr.Uhuruu in inta uu talada hayo aan la dhaqaajin Dawcada, Wuxuuna sidoo kale muujiyay inuu aad uga soo horjeedo Nidaamka Federaalka kana dorbidaayo Maamul Kali-talis, kaasoo ku sifoobay Qas-Siyaasadeed, Eex, Musuqmaasuq, Ku tumasho shuruucda iyo Daatuurka iyo Nabadgeliyo la’aan.

Inkastoo Dalka Somalia uu ka mid yahay Asaasayaasha Ururka IGAD, hadana 14-kii sano ee u dambeysay Galka Somalia waxaa gacanta ku haya Golaha Amaanka UN-ka, AU-da iyo Urur goboleedka IGAD, iyadoo deeq bixiyayaasha Caalamka ay maalgeliyaan Ciidamada Amisom iyo kuwo Dowladda Federaalka si loo helo Dowladda loo wada dhan yahay, sidaas darteed Maamulka Farmaajo iskama idhatiri karo duruufaha iyo Xaaladaha gaarka ah ee xiligaan Dalka ku sugan yahay.

Xiriirka Caalamiga ah wuxuu ku dhisan yahay xeerar lagu kala dambeeyo, Dal kasta wuxuu ku dadaalaa inuu danihiisa gaarka ku raadsado si nabad ah kuna ilaashado, Siyaasadaha Qar iska tuurka ah waxey horseedi karaan burbur.

Hadaba Adigaba Akhristow Garo Sababta dhaqaalaha ee Beesha Caalamka taakuleynta dhaqaalaha ula daba joogto Somalia, Maamulkaan ayaa ku dhiiriday inuu Wakiilka UN-ka Ka eryo Somalia, waxey xiriirka u jareen Kenya oo Ciidamo Nabad ilaalineed ka joogaan Somalia, waxey ku hanjabayaan iney ka baxaayaan Ururka IGAD, maxaa Khaldan!!. fadhi ma la isku warsaday in Hasha Maandeeq (Somalia) ay beylah tahay Sanadkaan.

90230cookie-checkGarta Iyo Gardarrada Ee Xiisada Kenya-Somalia