Qarax Is-Miidaamin ah Makhayaad ku Dhow Madaxtooyada Villa Somalia..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay caawa fiidkii Maqaayad ku Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dadkii Maqaayada xiligaasi joogay…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid is miidaamin ah oo lala beegsaday maqaayada Blue Sky oo u dhow barta Kontrol ee Madaxtooyada laga ilaaliyo kuna taalla inta u dhaxaysa Tiyaatarka iyo Godka Jilacow.

Naftoo haligaha ayaa si toos ah u beegsaday Dadkii Rayidka ahaa ee Maqaayada ka cuneynaayay, waxaana ka dhashay tiro Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka dhashay inkastoo aan la ogeyn tirada dhabta ah, iyadoo Xoogaga Amaanka ay goobta xireen una diideen Shacbiga iney u soo dhawaadeen.

282330cookie-checkQarax Is-Miidaamin ah Makhayaad ku Dhow Madaxtooyada Villa Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com