Somalia Oo Qoraal Adag ka soo Saartay Kaalinta & Howlaha Wakiilada C6+..

Domestic News Politics Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qoraal fariimeed luqad adag ku qorneyd oo lagula socodsiiyay Wakiilka UN-ka ee Somalia Mr.James Swan, ayaa loogu sheegay in hanaankii wada shaqeyn ee Dowlada Somalia ku wada xiriiri jireen dib loo qiimeeyay meeshana laga saaray hab wadajir u la macaamilaan Dowladda Somalia…

Qoraalka uu soo saaray Wasiiru Dowlaha Idman ee Wasaarada Arrimaha Dibeda Mr.Cali Cumar (Balcad) ayaa lagu xusay in kooxda C6+ xiligii la asaasay ay Somalia ahayd dal ku jira xaalad nuglaan iyo kumeel gaar ah oo u baahan in la mideeyo taageerada Beesha Caalamka, wuxuu intaas raaciyay iney ahayd natiijo ka dhalatay xaaladihii ka dambeeyay 2010, markaas oo qarannimada Somalia ay nuglayd.

”Dalka waxaa ka dhisan Dowlad isku filan, madaxbannaan oo leh hay’addo shaqeeya. Sidaas darteen aan loo baahnayn in nidaamkii taageero ee C6+ uu sii shaqeeyo, Mr. Balcad ayaa qoraalkiisa ku dul istaagay inay Somalia diyaar u tahay iney Dalalka Caalamka kula shaqayso si ixtiraam leh, ayna muhiim tahay in Dowladaha Caalamku ay hab wadashaqayn oo macaamil dowladeed ah ay ku wada shaqeeyaan.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa Safiirada USA, Uk iyo Wakiilka UN-ka waxey wadern dadaalo dhinac ka dhisan oo ay ku doonaayeen iney isugu keenaan Madaxda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada, Madaxweyneyaashii hore, Re’ysul Wasaareyaashii hore iyo Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka, haddii gogosha ay haatan Madaxtooyadu wado shaqeyn waydo.

376290cookie-checkSomalia Oo Qoraal Adag ka soo Saartay Kaalinta & Howlaha Wakiilada C6+..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *