Guddiga Doorashada Xal Ma Noqon Karaa Boogta Khilaafka

Somalia news

Dhismaha Guddiyada Doorashada ee Heer Federaal wuxuu ahaa boogtii fashilisay dhaqan-galkii heshiiskii 17-kii September, iyadoo Fahad Yasin lagu Eedeeyay inuu Guddigaasi uu u soo xulay xubno u badan Shaqaalaha Madaxtooyada, Saraakiil ka tirsan NISA iyo Taageerayaal jidbeysan…

Magacaabista Guddiyadaan Waxaa si weyn uga horyimid Maamulada Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Midowga Musharixiinta iyo Guddiga Wakiilada Xildhibaanada Waqooyiga, ilaa hadda guddigaan si rasmi ah looga kala dirin, inkastoo dhaqaalihii laga jaray, iyadoo Mas’uuliyada Maamulka Doorashada uu la wareegay Mr.Rooble.

Rooble ayaa looga fadhiyaa inuu wax ka qabto Guddiyada Doorashada, Maamulada waxey dhisan doonaan guddiyo u gaar ah, laakin Guddiga Doorashada ee heer Federaal ayaa la isku maan-dhaafsan, Somalia 6-dii sano ee u dambeysay waxaa u dhisnaa Guddi Doorasho oo heer Federaalka ah, Guddigaan ayaa loo dhisay inuu Dalka gaarsiiyo Doorasho dadweyne.

Guddigaan ilaa hadda lama howlgelin inkastoo tababaro iyo khibrado ay u leeyihiin qabanqaabinta Howlaha Doorashada, 20-ka bisha May uu iclaamiyay Mr.Rooble in la isugu yimaado Kulan looga hadlaayo Khilaafka Doorashada iyo Sida looga gudbi lahaa caqabadaha taagan, Waxaa durbadiiba bilaawday qabanqaabada in Guddiga Xaliimo Ismaaciil ay mdaxda ka tahay gacan looga baahan yahay.

Hadaba Waxaa weli taagan cabsida laga qabo Guddigaan ay Madaxda u tahay Xaliimo Yareey oo Xafiis ku dhex Madaxtooyada Somalia iney la saftaan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, iyadoo lagu Eedeeyay iney qeyb ka aheyd Fashilka Doorashada ee loo igmaday, haddana la qorsheynaayo in mar 2-aad Howlaha Doorashada loo xil saaro (Faanoole fari kama qodna).

117860cookie-checkGuddiga Doorashada Xal Ma Noqon Karaa Boogta Khilaafka