Somalia Oo u Sharaxan Gudoonka Golaha Amaanka & Nabada er AU-da..

Africa News Somalia news

Qoraal ay soo saartay Dowlada Federaalka ayeey ku xustay iney u sharaxan tahay Gudoonka Golaha Amaanka iyo Nabada ee Midowga Africa mudfo xileedka Sanadaha 2025-2028, muujineysana sida uu diiradda u saarayo hirgelinta Pan-Africanism ee xoojinta Amaanka iyo Nabada ee Qaarada Africa..

Qoraalka ayaa lagu xusay, Somalia ayaa tilmaantay in guulaha ay gaartay sida dib-u-habeynta deymaha, ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo doorashadeeda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (2025–2026) ay caddeyn u tahay horumarkeeda iyo doorka ay ka ciyaareyso horumarinta ajendayaasha gobolka iyo qaaradda.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegya in musharaxnimada Dowladda Federaalka ay ku saleysan tahay dhowr arrimood oo muhiim ah, Somalia weli ma aysan ka mid noqon Golaha Nabada iyo Amaanka tan iyo markii la aas aasay 2004, taasoo ka dhigaysa musharaxnimadan mid u taagan sinnaanta iyo ka qeybgalka.

356250cookie-checkSomalia Oo u Sharaxan Gudoonka Golaha Amaanka & Nabada er AU-da..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *