Somalia Oo Qarka u saaran inay noqoto Xubintii 8-aad ee Ururka EAC..

Africa News Somalia news

Dalka Somalia ayaa la sheegaya inuu qarka u saaran yahay inuu buuxiyo xubintii 8-aad ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo ah Urur Goboleed u heelan Horumarinta Dhaqaalaha, Siyaasadda, Bulshada, iyo Isdhexgalka Dhaqanka ee Dalalka xubnaha ka ah….

Horumarkaan ayaa daba socda gabagabada sagaal maalmood oo wada-xaajoodyo xoogan oo ka socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo la xiriira codsigii ka mid noqoshada Somalia ee EAC, Natiijooyinka wada xaajoodyadan ayaa loo gudbin doonaa madaxda EAC inta lagu guda jiro shir madaxeedkooda bisha November ee sanadkan.

Shir madaxeedkan, ayaa lagu go’aamin doonaa go’aanka ugu dambeeya ee xubinnimada Somalia ee EAC. Somalia ayaa tan iyo sanadkii 2012 ku raad joogtay xubinnimada EAC, markaasoo ay markii hore gudbisay codsigeeda, Howlgal xaqiijin ah oo EAC ay samaysay Janaayo 25 ilaa Febraayo 3, 2023, ayaa lagu xaqiijiyay in Somalia ay buuxisay shuruudaha ogolaanshaha ee ku xusan heshiiska EAC.

Xubinimada Somalia ee EAC ayaa waxay u dhigantaa in ay suuq weyn u hesho wax soo saarkeeda iyo adeegyadeeda, korodhka fursadaha maalgashi, kaabayaasha dhaqaalaha. Intaa waxaa dheer, waxay fududeyn doontaa iskaashiga arrimaha xuduudaha ee kala duwan. Dhanka EAC, waxay uga dhigan tahay balaarinta gaaritaankeeda iyo saameynteeda Gobolka.

275510cookie-checkSomalia Oo Qarka u saaran inay noqoto Xubintii 8-aad ee Ururka EAC..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com