Danjiraha Qatar Ee Muqdisho Oo Kismaayo U Safraaya

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Danjiraha Dowlada Qatar u fadhiya Somalia Mr.Xasan Xamza iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in Maanta safar qorsheysan ku tago magaalada Kismaayo…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Safarka Danjiraha ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ku tago Kismaayo, tan iyo markii Qatar saameynteeda Somalia ay xoogeysatay wixii ka dambeeya markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu wadaa inuu dhexdhexaadiyo Khilaafka mudada dheer u dhaxeeya Maamulka Farmaajo iyo Sheekh Axmed Madoobe.

Danjiraha ayaa taageero dhinacyo badan la garab taagan Maamulka Farmaajo, wuxuuna saameyn iyo galaagal ku leeyahay jiheynta Siyaasada Iyo Dhaqaalaha Maamulka, lamana yaqaano waxa uu soo kordhin karo Danjiraha, bacdamaa Khilaafkaan muddo sanooyin ah soo jiitamaayay welina aan xal laga gaarin.

42460cookie-checkDanjiraha Qatar Ee Muqdisho Oo Kismaayo U Safraaya