Xili xulashadaan dadban ee Dalka si gaabiska uga socota, waxaa aad u soo kordhaayay baadi goobka xoogan iyo xusul duubka loogu jiro sidii Kuraasta Baarlamaanka loogu adeegsan lahaa innlooga baxsado Cadaalada Dembiyadii ka geystay 5-tii sano ee u dambeysay…
Xubnaha Xildhibaano doonka ah ee Dembiyada galay waxaa looga fadhiyaa ineysan isku mashquulin u cararka & boobka sharafta Xasaanada Xildhibaanka ee Sharciga hortagaan si looga xisaabiyo dembiyadii ay geysteen intii ay Xafiiska fadhiyeen.

Xasaanada waxaa lagu sharfaa Muwaadinka loo doorto inuu bulshada u adeego xiligaasna uusan soo food saarin caqabado sharci, balse hadii si ula kac ah dembiyo loo geysto lagula takri falo awoodaha Xafiiska waa in la gala noqdaa xasaanada.

Sanadkaan waxaa aad u kordhay tirada Saraakiisha Ciidamada Dowlada gaar ahaan NISA oo ku biiray iney noqdaan Xildhibaano, waxaana hormuud u ah Agaasmihii NISA oo lagu soo eedeeyay eedeymo la xiriira dilal, Afduub,Jirdil iyo xarig sharci darro ah, ilaa xiligaan waxaa la doortay 8-xubnood.
Somalia xiligasn waxey u ooman tahay isla xisaabtan dhab ah, hufnaan, Cadaalad & Amni, waxeyna quus ka joogaan Maamul fashilmay oo weli u hunguri kaga jiro inuu boobo xulshada dadban isagoo adeegsanaaya Wakiilo uu Maamul Goboleedyo ka dhigtay kuwaasoo u fududeynaaya in Dembilayaasha Xildhibaano u xuub siibtaan.