Muwaadin Ka Howlgalaayay Xafiiska Qaramada Midoobay oo lagu Afduubtay Magaalada B/weyne..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Muwaadin ka howlgalaayay Hey’adaha Samafalka lagu afduubtay 3-maalmood ka hor, ayaa wajahasya xaalad Caafimaad darro, iyadoo Dadka Degaanka ay cabsi ka muujiyeen Xaalada Amaanka ee magaalada…

Wararka ayaa sheegaya in Ninkaan oo Magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Mire Dhoore oo la sheegay inuu u shaqeeyay Hey’adda Qaramada Midoobay, iyadoo lagu eedeeyay afduubka mid ka mid ah Kooxaha Hubeysan ee magaalada kuwaasoo ayaan sheegin sababta Afduubka iyo iney madax furasho dhaqaale ku rabaan sii deyntiisa.

Waxgaradka Degaanka ayaa baaq u diray Afduubayaasha iney sii daayaan Muwaadinkaan oo ay sawir isagoo xir soo dhigay Baraha Bulshada, Magaalada Bweyne ayaa xiliyadii ugu dambeeyay kasoo shaac baxaayay garabyo hubeysan oo Isbaaroyin dhigtay Waadooyinka soo gala magaalada kuna dhiba Gaadiidka iyo Socotada.

272010cookie-checkMuwaadin Ka Howlgalaayay Xafiiska Qaramada Midoobay oo lagu Afduubtay Magaalada B/weyne..