Somalia $ Sacuudiga Oo Ka Heshiiyay Dib u Dhiga Mudada Deyn Bixinta..

Somalia news

Warar ayaa laga helayaa kulan ay wada yeesheen Wasiirka Maaliyadda Somalia Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga iyo Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqaasi ka tirsan…

Wasiirka Maaliyadda iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Somalia ku leeyahay Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia oo ka mid ah Hey’adaha deynta ku leh Dalkaan, Heshiiskaan ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada dib-u-bixinta deynta.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa madaxda Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia uga mahadceliyay doorka muuqda ee Sanduuqu ku leeyahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Wasiirka oo ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Jidda, ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda Hey’adaha Maaliyada Dalalka Carabta.

255560cookie-checkSomalia $ Sacuudiga Oo Ka Heshiiyay Dib u Dhiga Mudada Deyn Bixinta..