Share the post "Soomaalida ku nool Degmada Wajeer oo ka Cabanaya Cudurka Kilyaha ku Dhaca.."
Warbixino Caafiimaad ay soo saareen Howlawadeenada ka howlgala Degmada Wajer ee Gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa daaha ka rogaaya in Cudurka kelyo fadhiisiga uu aad ugu soo badanayo muddooyinkii u dambeeyay dhulka Soomaalida, iyadoo aad ay u kordhayso tirada Bukaanada u baahanaya Kelyaha cusub ama heer ay gaaraan in la beddelo…
Warbixinta ayaa lagu xusay in Isbitaalka guud ee Degmada Wajeer tirakoob uu sameeyey ku ogaaday in Bukaanada Ragga ay yihiin kuwa ugu badan ee xanuunkaasi la dhiban, “Bukaanada ayaa 58 kamid ah ay yihiin rag, halka Bukaanada Haweenka tiradooda ay gaarayso ilaa 21 ” waa sida lagu sheegay tirakoobka Isbitaalka, ”Kelyo fadhiisashadu waa cudur kelyaha ku dhaca, waxayna ka bilaabataa wax yar oo aan qiimo lahayn oo wax laga qaban karo, sida dhiig karka oo kugu ridi kara, iyo kiniiniyada xanuun baabi’iyaha oo Soomaalidu aadka u cunaan” ayuu yiri Dhakhtarku.
Iyadoo lagu sababeeyay kororka Cudurkaan Baaritaan la’aanta aan joogtada ahayn ayeysan Dad badani isaga warqabin in cudurkani uu soo hayo ama ay qabaan, iyadoo ay Isbitaallada tagaan xilli aan waxba laga qaban karin oo kilyuhoodu fadhiisteen, sida uu dhaqtarku sheegay, wuxuu intaasi raaciyay in Bukaanada qaba Cudurada Sonkorta iyo Dhiig karka ayaa ah kuwa ugu badan ee laga diiwaan galiyay isbitaalka Wajeer ee la dhiban kelyo fariisashada.