Weerar Hoobiyayaal ah Oo lagu Qaaday Xafaadaha ku dhow Garoonka Diyaaradaha

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar hoobiyayaal ah oo qorsheysan oo xalay saqdii dhexe ku dhacay xaafado ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu, iyadoo weerarkaan la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac Dadka Rayidka ah…

Weerarkaan Hoobiyayaasha ah oo tiradoodu lagu sheegay ilaa 7-xabbo, ayaa qaarkood ay ku dhaceen guryo ay degan yihiin Dad rayid ah oo xikigaasi hurdaayay, waxaana ku geeriyooday hal qof, iyadoo dhaawacyaduna la sheegay iney kor u dhaafayaan 8-Bukaan.

Weerarkaan ayaa ku soo beegmay iyadoo maanta la filaayo iney magaalada soo gaaraan Madaxweyneyaal iyo Ra’isul wasaarayaal kuwaasoo ka qeyb geli doona Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Somalia oo lagu qaban doono Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

193720cookie-checkWeerar Hoobiyayaal ah Oo lagu Qaaday Xafaadaha ku dhow Garoonka Diyaaradaha