Ciidamada Amisom B/Burde Oo Hor-istaagay Diyaarad

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buula-barde ee gobalka Hiiraan ayaa soo sheegaya in Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay diideen in Maanta garoonka ka soo degto diyaarad loo dalbay Haweeney ku xanuunsaneyso magaaladaas….

Qaar kamid ah ehelada Haweeneyda xanuunsan ayaa sheegay qofka xanuunsan ay tahay Hooyo xaamilo ah islamarkaana ay la xanuunsaneyso xanuunka kalaamisada (Teetano) waxaana loo dalbay diyaarad yar oo qaada 12 qof, AMISOM ayaa sheegtay in Jimcaha ay nastaan islamarkaana aysan ogoleen in wax diyaarad ah garoonka ka soo degto.

Duulimaadyada caadiga ah ayaa Buula-barde aada laba jeer todobaadkiiba, halka maalmaha kale ee loo baahdana ay ka dagi karto basle AMISOM waxey sheegeen in aysan Jimcaha furi karin shaqada Garoonka xaalad kasta oo jirta.

Qaar kamid ah ganacsatada magaalada Buula-barde oo arintaan isu xil saaray ayaa Maamulka Hir-shabelle iyo Kan Dowladda Federaalka ka dalbaday inay soo Fara geliyaan dhibaatada ka taagan Buula-barde.

64020cookie-checkCiidamada Amisom B/Burde Oo Hor-istaagay Diyaarad