Stadium Muqdisho Oo Dib Loo Dayactiray

Sports

Waxaa Muddo la soo waday dib u dhis iyo dayactirba lagu waday Garoonka Stadum Muqdisho ee Magaalada Muqdisho ayaa la soo geba-gabeeyay shaqadii intii badneyd ee dib loogu hagaajinayay garoonkaasi….

Dib u dayactirka ee xilligan lagu sameeyay Garoonka Stadium Muqdisho ayaa waxaa maalgeliyay Ururka Midowga Yurub, iyadoo loo sii marayo hay’ad Holland ka dhisan iyo kuwo maxali ah oo dhismihiisa qandaraas ku siiyay shirkado madani ah, inkastoo Injineero Caddaan ahi (Holland) ay ka qayb qaateen dib u hawlgelintiisa.

Garoonka Stadium Muqdisho oo ah kan dalka ugu weyn ayaa burbur xoogan uu ka soo gaaray dagaaladii sokeeye iyo dagaaladii Magaalada Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (Amisom) iyo Kooxda Shabaab.

Garoonka oo sideed sano in ku dhow ay deganeyd Amisom ayaa siyaabooyin kala duwan loogu ekeeyay madaafiic ay Shabaabku ka soo tuureen goobo kala durugsan, waxaana lagu wadaa in la furo Maalmaha Xoriyadda ee 1-da July 2020.

37790cookie-checkStadium Muqdisho Oo Dib Loo Dayactiray