Safaarada Soomaalida India Oo Laga Cabanaayo

Somalia news

Qeylo dhaan ayeey Muwaadiniita Soomaaliyeed ee ku nool dalka India ka keeneen Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Safaarada Somalia ee magaalada New Delhi, kadib markii lagu dhibay qaadashada Dukumentiyada iyo Baasaborada, isla markaasna dhaqaale xad dhaaf lagu soo rogay si ay helaan…..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in khidmada Baasaborka Soomaaiiga ah oo caadiyan ah 108 US$, hadii lagu daro kharashka Boostada ayaa laga yabaa iney gaarto 170-US$, Danjiraha Somalia ee India Marwo Faadumo Cabdulaahi Maxamed ayaa lagu eedeeyay iney shuruudo adag ku xirtay qaadashada Baasaborada iyo dukumentiyada, iyadoo la weysdiisto Muwaadiniinta Somalida ah iney bixiyaan dhaqaale dhan 400-US$ ah, sidoo kale dukumentiyada muhiimka ahaa Muwaadiniinta Soomaalida laga qaadaa khidmado sharci darro ah, waxaana lagu eedeeyay Danjiraha iney ka dambeyso dhibaatada loo geysto Muwaadiniinta Bukaanada ah, Ardayda wax ka barata Jaamacdaha dalkaasi iyo Ganacsatada.

Wasaarada Arrimaha Dibeda iyo Dowlada Somalia ayaa loogu baaqay iney soo faro geliyaan musuqmaasuqa ka jira Safaarada Somalia ee magaalada New Delhi, Danjire Faaduumo Cabdullaahi oo horey loogu eedeeyay iney dhaqaale ku bedelatay Cod ay kaga aamustay Qarar dhan ka ahaa Dowlada Israel xili ay Madax ka aheyd Safaarada Somalia ee dalka Switzerland, ayaa loo bedelay Safaraada Dalka India.

37760cookie-checkSafaarada Soomaalida India Oo Laga Cabanaayo