Dagaalo Ka Dhacay Degmada Diinsoor

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Diinsoor Ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay Magaalada, kadib markii ay Soo weerareen Maleeshiyaadka Shabaabka…

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaan uu ka horeeyay Shalay duleedka Magaalada Diinsoor lagu dilay Laba Dabley ah oo ka tirsan Kooxda Shabaabka, kadib waxey Maleeshiyaadka Shabaabku weerar dhinac kasta ah kaga soo duuleen Magaalada, iyadoo uu kala gaaray Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh labada dhinac.

Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Ethiopia ayaa la sheegay in Shalay Galab Gurmad ahaan diyaarado loogu Daadgureeyay degmada Diinsoor, kadib markii culeys ay kala kulmeen duulaanka Kooxda Shabaabka.

Dhanka kale, Milkiilayaasha Diyaaradaha ka howlgala Somalia soo saaray Go’aan ah ineysan Diyaaradahooda ay ku degi doonin Garoomada ay ku sugan yihiin Ciidamada Ethiopia ee Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo, inta la xaqiijinaayo Amaanka Diyaaradaha iyo Dadka saaran.

37830cookie-checkDagaalo Ka Dhacay Degmada Diinsoor