Suuqyada Islii (Nairobi) Iyo Mombasa Oo La Xiray

Health

Maamulka Uhuruu ayaa xaalad karantiil ah geliyay xaafadda Soomaalida Nairobi ku badan tahay ee Islii ka tirsan Degmada Kamakunji iyo Suuqa Qadiimiga ah ee Mombasa, kadib markii ay kordheen Tirada Bukaanada qaba Cudurka Coronavirus…

Maamulka ayaa amaro adag ka soo saaray in muddo laba toddobaad la karantiilo xaafadda Islii, iyadoo markaasi aysan jirin cid ka bixi karta, soona geli karta, waxaana lagu amray Xoogaga amaanka iney fuliyaan.


Amarka xayiraadda lagu saaray Islii ayaa waxaa soo saaray Wasiirka Caafimaadka Kenya, Mutahi Kagwe. Amarkan mid lamid ah ayuu Wasiirku ku soo rogay suuqa qadiimiga ee Magaalada Mombasa.

Wasiirka ayaa ku andacoonaya in labadaasi goobood ay yihiin goobaha xaaladaha ugu badan ee Coronavirus laga diiwaangeliyay, guud ahaan dalkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in xaafadda Islii oo qura laga diiwaangeliyay afartan xaaladood oo Coronavirus ah, Talaabadaan ayaa waxaa ka xumaaday Guddiga Ganacsatada ee Islii iyo Xildhibaanka Degmada Kamakunji laga soo doorto Yuusuf Xasan Cabdi.

32500cookie-checkSuuqyada Islii (Nairobi) Iyo Mombasa Oo La Xiray