Maxaa Hortaagan in Dalka Dhiso Shuruucada Daawada & Xakameynta Daawooyinka Dhacay

Health Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujineysa in Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda XFS ay ka cagajiideyso iney soo gudbiso Shuruuc badan oo Dalka iyo Dadka muhiim u ah, shuruucdaasi waxaa ka mid ah Sharciga Daawada iyo Hay’adda Nidaam u sameynta daawada…

Warbixintaan ayaa tilmaamtay in Dalka ay ku soo bateen isticmaalka waxyaabaha Maanka dooriya iyo Dadka ka Ganacsada, ku darsoo Farmashiyayaasha ayaa isku rogay Dhakhaatiir oo Dadka toos uga iibiya Daawada gaar ahaan Antibayootiga, halka kuwa dhacay Shacbiga laga iibiyo qodobada uu sharcigaan aas-aaska iyo lagama maarmaanka u yahay waxaa ka mid ah.

-Hubinta tayada daawada.
-Ruqsada soo dhoofinta Daawada.
-Dadka ka shaqeeya ama iibiya daawada inay aqoon buuxda uleeyihiin sidoo kalena aysan iska iibin karin ilaa uu Doctor soo qoro oo la hubiyo.

Sharcigan haddii Wasaaraddu ay u gudbiso Golaha Wasiirada, Golaha Shacabka BJFS Baarlamaankuna Ansixiyo, waxuu dalku yeelanayaa sharci daawo iyo Hay’adda nidaam u sameynta daawada, Iyadoo aan la meel-marin Sharciga Daawada ayuu Wasiir ku xigeenka Wasaaradda xariga ka jaaray warshad sameysa daawada.

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada Golaha Shacabka BJFS oo ay shaqadiisu tahay la-xisaabtanka iyo kor-joogteynta Wasaaraddaha, gaar ahaan Caafimaadka iyo Daryeel Bulshada ayaa iska seexday.

231310cookie-checkMaxaa Hortaagan in Dalka Dhiso Shuruucada Daawada & Xakameynta Daawooyinka Dhacay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com