Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qabanqaabada Doorashada Gudoomiyaha iyo Kuxigeenka ee Ururka Midowga Afrika ayaa la filayaa in maanta oo Sabti ah iyo Berito Axad ah la qabto doorashada, iyadoo Guddiga fulinta uu doortay Xubnaha qabanaya doorashada, kuwaasoo dejiyay jadwalka doorashada oo ka dhaceysa Arbacadii iyo Khamiistii magaalada Addis Ababa..
Musharixiinta tartankaan u taagan waxaa ka mid ah Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Djibuoti, Carkowga qaboobay Raila Amolo Odinga oo ah Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar & Anil Kumarsingh Gayan oo u dhashay Dalka Mauritus, iyadoo Musharaxa ku guuleysanaaya Jagadaan waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3/2 cododka Dalalka Qaarada Africa.

Inkastoo ay jiraan Dalal laga reebay codaynta, kuwaasoo kala ah Burkina Faso, Gabon, Guinea, Mali, Nijer iyo Sudan, iyadoo Dalalkaasi codeynta looga joojiyey sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye oo ka socda, Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco.
