Khasaare Nafeed oo ka Dhashay Masaajid laga Dumiyay Degaanka Oromada Ethiopia..

Africa News

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa rabshado ka dhacay agagaarka Masaajidka Anwar ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii ay isku dhaceen Dad Muslimiin ahaa oo ka banaanbaxayay Masaajidadii laga dumiyay degaanka Oromiya, iyo Ciidamada Amniga ee magaalada Addis Ababa..

Dhacdadan oo dhacday Salaadii Jimcaha kadib ee maalinimadii shalay ayaa waxaa sidoo kale ku burburay meherado ay lahaayeen Ganacsato Muslimiin ah oo ka ag dhawaa Masaajidka Anwar, Dad goob joogayaal ah oo ka ag dhawaa Masaajidkan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay maqlayeen rasaasta oo ka dhacaysa agagaarka masjidka, iyo Ciidamada Boliiska oo gacanta ula tagaya dadkii banaanbaxa samaynayay, halkaas oo markii dambe ay Ciidamadu rasaas adeegsadeen.

Maamulka Abiy oo dhinaceeda ka hadashay arrintan ayaa fiidnimadii xalay waxay sheegtay in rabshadahan ay sidoo kale dhaawacyo kasoo gaareen dhinaca Boliiska, iyadoo rabshadahana ku tilmaantay mid ay dhinaca ka riixayaan dad dano gaar ah leh oo ku gabanaya arrimaha Diinta, kuwaasoo doonaya inay khalkhal diineed ka abuuraan dalka Ethiopia.

259070cookie-checkKhasaare Nafeed oo ka Dhashay Masaajid laga Dumiyay Degaanka Oromada Ethiopia..