Tirada Dhimashada Ee Macalimiinta Kenya Ee Lagu Dilay…

Politics

Warbixin ay soo diyaariyeen Guddiga Macallimiinta Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay Tirada Macalimiinta ah ee Kooxda Sshabaab ku dileen Gobolka Soomaalida degto ee Waqooyi Bari  Kenya sanadihii ugu dambeeyay..

Guddigaan oo marka loo soo gaabiyo loo yaqaano (TCS) ayaa sheegay in tan iyo 2014-tui ay Kooxda shabaab ku dileen Gobolka Soomaalida 42 Macalin, tiradaasina uu maamulkoodu walaac ku abuuray.

Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Mallimiinta Kenya  Nancy Macharia, oo difaaceysay sababta Macalimiinta Kenyaanka ah looga saaray Gobolka ayaa ku doodday in Al-shabaab ay dileen 42 Macalin taasina aysan sii socon karin.

Guddiga ayaa Macallimiin badan oo Kenyaan ah ka saaray Gobolka markii ay sare u kaceen weerarrada Al-shabaab ka geysanayaan halkaas gaar ahaanna kuwa sida gaarka ah loola beegsanayo Macalimiinta ajaanibta ah ee ka howlgala Gobolka Waqooyi bari Kenya.

Dhawaan Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa gudbiyay go’aan ka dhan ah Macalimiinta laga saarayo Gobolka taasoo sababtay in Baarlamaanka uu u yeero Guddiga si looga doodo Sababta Macalimiintu uga baxeen Gobolka Soomaalidu degto ee Kenya.

Magaalada Gaarisa ayaa laga diiwaangeliyay 180 Macalin oo Soomaali ah kuwaas oo si tabarucaad ah Ardeyda wax ku bari doona maaddaama Macallimiintii dowladda ay gobolka uga baxeen baqdin ay ka qabaan Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka.

Siyaasiyiinta Mucaaradka Kenya ee dhaliila Sayaasada Madaxweynaha dalkaasi ayaa Ka dalbaday in Ciidanka Kenya laga saaro gudaha Soomaaliya,si loo ilaaliyo nabada gudaha dalka Kenya oo xuduuda goboladda Koofureed ee Soomaaliya.

19060cookie-checkTirada Dhimashada Ee Macalimiinta Kenya Ee Lagu Dilay…