Maxaa Kala Heysta Macaashka Qaadka Ee Madaxda Dowlada & Balwada Cunista ee Ciidamada…

Somalia news

Waxaa Marqaati ma doonto ah in keenista Qaadka ee Dalka uu dhibaato weyn ku hayo Shacbiga Soomaaliyeed, iyadoo lagu eedeeyay iney Villa Somalia & Mas’uuliyiin taabacsan la tilmaamay iney Saamiyo ku leeyihiin soo dejinta Qaadadka Ethiopia iyo Kenya laga soo dhoofiyo si maalinle ah dhibaatana ku Caafimaadka Shacbiga…

Daraasad la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in Iska horimaadyada soo noqnoqda ee ka dhex dhaca ciidamada Dowlada Federaalka, ay sabab u yihiin balwadda Qaadka, taasoo ka dhalatay Khasaare Nafeed ee soo gaara Dad aan waxba galabsan, Daraasdaan ayaa lagu dul istaagay in Xubnaha Ciidamadu ay rasaas aan loo meel dayin ridaan xiliyada qaadka ay doonanayaan ama ay dhacayaan. Inkastoo ay (Ciidamadu) ay mushahar ahaan bishii u helaan $-200, ku darsoo Qaadka ay maalintii quutaan ayaa lagu qiimeeyay $20 maalin kasta.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ciidamadaan qaarkood ay suuqa ku iibiyaan saanad ay ku bedeshaan Qaadka, Tani kaliya ma muujinayso qoto dheeraanta balwaddooda, laakiin sidoo kale waxay muujinaysaa cawaaqib xumada iyo saameynta ay ku leedahay awoodooda gudashada waajibaadkooda difaaca Dalka, waxaana intaasi dheer in Musuq iyo dhac lagu hayo Saadka iyo Saanada Ciidamada taasoovsii wiiqeysa niyada Ciidamada.

Waxaa wax la la yaabo ah in Madaxweynaha Somalia uu shalay khudbad u jeediyay Ciidamo loo diyaariyay iney ka qeyb qaataan Dagaalka qorahasha aan ku dhisaneyn ee lagula jiri kooxda Argagixisada Shababka uu cadeeyay in Ciidamadaan lagu soo xulay ineysan balwad qaad ku cunis ah laheyn, isagoo intaasi raaciyay in Askarigii lagu arko Balwad-na waa iska tegayaa, nagama tirsana, si khalad ayuu kusoo galay Xeradaan, waana shardi la idinku soo xulay” ayuu yiri Madaxweynaha.

321600cookie-checkMaxaa Kala Heysta Macaashka Qaadka Ee Madaxda Dowlada & Balwada Cunista ee Ciidamada…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *