Share the post "Tirada Duulimaadyada Diyaaradaha UAE ee Garoonka Boosaaso oo Kordheen.."
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Tirada Diyaaradaha hubka iyo Saanada sida isla markaasna aan summada laheyn una kireysan Sirdoonka & Ciidamada UAE kuna hakada Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa 1-19 Bishaan May kordheen dhaqdhaqaaqooda…
Xogaha la helaayo ayaa xaqiijinaaya in ugu yaraan 6-ka mid ah Duulimaadyada xamuulka ah waxaa waday Diyaarada New Way Cargo iyadoo adeegsanaysa xamuulka Ilyushin IL-76TD Freighter (diiwaangelinta EX-76019), waxeyna xamuul Hub iyo Saanad ka soo qaadaa Garoomada Diyaaradaha Ciidamada ee Abu Dhabi ee Apron, AlSafran Air base, iyagoo ku hakada Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaso waxeyna u dambeysay Shalay, waxaana garoonka ku sugan tiro badan Csloodhood u dhaqeysatayaal u dhashay dalka Colombia.

Duulimaadyadan soo noq-noqday ayaa dhaliyay walaac xooggan oo ku saabsan saamaynta ballaarinta Imaaraadka ee Garoonada Diyaaradaha ee Boosaaso, Iyadoo aan si cad loo cadeyn waxa ku jira ama ujeedada laga leeyahay shixnadahaan kuwaasoo laga dejiyay garoon ku yaal dalka Sudan, waxaana jirta khatarta sii kordheysa ee ah in Boosaaso ay isu beddesho xarun saadka oo qarsoon, Talabadaan ayaa si weyn wax u dhimi karta xasiloonida Dalka Somalia iyo tan Gobolka isla markaana wax u dhimi karta madax-banaanida Somalia.

Maxey Dowlada Federaalka wax uga dhihi la’dahay khatartaan maalinba maalinta ka dambeysa faraha ka sii baxeysa mise waa af wax cunay xishoo, iyadoo la og yahay in Todobaadkii tagay Dowlada Sudan ay cabasho dhan ka ah Dhaqdhaqaaqyada Garoonka Bosaso u gudbisay Dowlada Federaalka inkastoo Villa Somalia ay ka gaabsatay.