Kulankii Xasan Sheekh Iyo Fahad Oo Fashil Ku Soo Dhamaaday

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga soo sheegaya Kulankii Shalay galab ku yeesheen hoyga uu ka degan yahay Madaxweynihii hore Mr.Xasan Sheekh iyo Agaasimaha (NISA), Fahad Yaasiin, kaasoo socday ku dhowaad 2-saacadood waxaana lagu waday in looga dooday Heshiiska Dhuusa mareeb-3, Magacaabista Wasiirka 1-aad iyo ka qeyb galka Kulanka 4-aad oo dhawaan dhigi doono….

Xogtaan ayaa u Diinah.com news u tilmaamtay in Kulankaan la sheegay in Mr.Farmaajo uu soo wakiishay Agaasimaha sidii uu ugu gudbin lahaa Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka Marrtiqaad rasmi ah si ay uga qeyb galaan Kulanka 4-aad ee dhowaan lafilayaa inuu ka dhaco Xarunta Xalanka ee magaalada Muqdisho, iyagoo sidoo kale la sheegay in Hogaanka Ururada Bulshada Rayidka la gaarsiiyay warqada casumaada.

Sidoo kale labada dhinac ayaa kulanka ku soo hadalqaaday magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha, iyadoo laga talo-geliyay Xasan Sheekh Maxamuud, mana cadda ujeedada looga talageliyay, balse waxaa horey u soo baxayay warar sheegaya in Villa Somalia ay Madasha Xisbiyada Qaran u soo bandhigtay in Ra’iisal Wasaaraha uu dhankooda ka yimaado. Ujeedada tani laga leeyahay-na waa inay hirgasho muddo kororsi intee le’egtahayba ha noqotee, oo ay ku taameyso Villa Somalia.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu ku cudurdaartay inaanu go’aanku keligii gaari karin, inkastoo uu isagu yahay Gudoomiyaha Xisbiga UPD, kana mid ah Xisbiyada Qaran ee ku midoobay Madasha Xisbiyada Qaran.

56610cookie-checkKulankii Xasan Sheekh Iyo Fahad Oo Fashil Ku Soo Dhamaaday