Ma Dhabaa in Korontadii laga Jartay Xafiisyada Maamulka Gobolka Benaadir…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in Shirkadii Korontada siineysa Xafiisyada Maamulka Gobolka Benaadir ay ka jarteen Korontadii kadib markii iska bixin waayeen qaan-sheegadkii Korontada, iyadoo ay istaagay dhamaan Shaqooyinkii ka socday Xarunta Gobalka..

Wararka ayaa sheegaya in Xarunta Dowladda Hoose waxaa horey  looga jartay Korontada kadib markii ay bixin weysay lacagtii lagu lahaa, waxaana hadda ka halaabay halkii Matoor oo ay soo iibsadeen, taasoo sababtay in maanta aysan shaqo ka socon xafiisyadii gobalka Banaadir, Sidoo kale waxaa adeegga korontada laga jartay Xarumaha Degmooyinka, waxaana ka mid ah degmada Xamar Weyne oo lagu yeeshay dhaqaale badan, Degmadana wax shaqo ah kama socdaan muddo 5 maalin ah.

Shalay, Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in aysan la shaqeyn karin Guddoomiye Madaale kadib markii uu kusoo rogay lacag sharci darro ah, waxaana is qaban la’ lacagta xad dhaafka ah ee dadka Muqdisho laga qaado iyo Xafiisyadii Gobalka oo qiimaha adeegga korontada iska bixin weysan.

307980cookie-checkMa Dhabaa in Korontadii laga Jartay Xafiisyada Maamulka Gobolka Benaadir…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com