Share the post "Tiro Hoobiyayaal oo Lagu Duqeeyay Magaalada Baydhabo & Khasaare ka Dhashay.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Hoobiyayaal ay oo xalay lagu weeraray gudaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay kaawaasoo la sheegay iney ka dhasheen Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaarsy Dadka Rayidka ah..
Wararka ayaa sheegaya in Hoobiyayaashaan lagu bartilmaameedsaday Xaafado ay dagan yihiin Dad Rayid ah oo ku yaalla gudaha magaaladaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray Shacbiga inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn tirada saxda ah, kadib markii ay madaafiicda ugu tageen guryahooda.
Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Konfur Galbeed oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ee xalay ka dhacay magaalada Baydhabo, Shacabka ayaa sidoo kale saaka isugu soo baxay goobaha la duqeeyay, iyaga oo isku gurmaday, waxaana muuqaallo la helay ay muujinayaan saameynta hoobiyeyaasha lagu garaacay halkaasi.