Maxay ka Cabanayaan Shaqaalaha Isbitaalka Degmada Qardho? 

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa isu soo bax Nabadeed oo ay ku dhaqaaqeen qeybaha kala duwan ee Shaqaalaha Caafimaadka Degmada Qardho, waxeyna kaga soo horjeedaan maamulkooda, iyagoo saacado kooban hakiyey shaqada waxeyna ku banaanbaxeen afaafka hore ee Isbitaalka…

Shaqaalahaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka cabanayaan Agaasimaha Guud ee Isbitaalka, Dr. Jaamac ildab oo ay ku eedeeyeen in xuquuqdoodii ka waayeen iyo xatooyo, Iyagoo codsi u diray Maamulka Puntland, inuu soo fara geliyo dhibaatada ay kaga cabanayaan Maamulka.

Shaqaalahaan ayaa waxey wateen boorar ay ku qoran yihiin “Madaxweyne Cadaalad ayaan rabnaa”, Dhowr todobaad ka hor ayey ahayd markii shaqo joojin lagu sameeyey si baaritaan loogu sameeyo Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee magaalada Qardho, inkastoo aan la gunaanadin Baaristaasi.

211790cookie-checkMaxay ka Cabanayaan Shaqaalaha Isbitaalka Degmada Qardho?