Share the post "Trump Oo Lagu Eedeeyay Danaha Ganacsigiisa Ka Doorbidaayo Danta Qaranka.."
Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo shaac baxaayay eedo xoogan oo loo jeedinaayo Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mr.Donald Trump taasoo salka ku heysa xiriirka ganacsi ee Qoyskiisa ku leeyahay Dalalka Khaliijka waalac xoogana laga muujiyay inuu dano shaqsi ka hormarinaayo Danta Qaranka..
Wararka ayaa sheegaya in Qoyska Trump ay dano ganacsi ku leeyihiin Dalalka Qatar, Sacuudiga iyo UAE, iyadoo Safarkiisa ugu horeeya tan iyo markii uu la wareegay Xafiiska White house-ka ay maanta uga bilaaban doonto Dalka Sacuudiga kadibna beritana uu booqan doono Dalka Qatar halkaasoo lagu gudoon siin doono deeq ah Diyaarad nooca Boing 747, maalinta Khamiistana wuxuu booqan doonaa Dalka UEA.

Xuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Shirkadda Lacagaha Digital-ka ee uu Mr.Trump aasaasay laguna magacaabo World Liberty Financial oo la shaqeyso Shirkad laga leeyaha Dalka Imaaraadka ay ku maalgelin doonaan aduun dhan 2-Billions US$ suuqyada lacagaha Danabeysan Sida Bitcion, iyadoo Bishii tagtay Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Mr.Eric Trump ayaa qalinka ku duugay heshiis lagu dhisaayo xarun Golf lagu ciyaaro Dalka Qatar kuna kici doobta 5-Billions US$.